|
Garoowe,(insidesomalia.org)-Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe oo maalmahan ay ka socotay doodo kala duwan oo dhinaca sharciga ku saabsan xili Korontadii iyo biyihii ay isticmaalayeen Xildhibaanada laga jartay, kadib markii lagu soo dalacday qarash fara badan oo mudo lagu lahaa.
Dad ukuur kaley Arimahaas oo aan wararkan kahelneya ayaa xaqiijiyey in uu jiro warkan, iyadoo qaar ka tirsan Xildhibaanada ay sheegeen in Korontadii lagu isticmaalayey Makroofanada gebi ahaanba la jaray sidoo kale biyihii ku jiray xarunta Baarlamaanka ay meesha ka baxday, kadib markii shirkaddaha bixiya korontada iyo biyaha ay soo dalacdeen qarash horay loo isticmaalay, taasoo ay xildhibaanada ku tilmaameen mid hoos u dhigeysa howlaha Baarlamaanka.
Dhinaca kale waxaa shalay xarunta Baarlamaanka ka dhacday dood kulul oo ku saabsaneyd warbixinta guddiga dhaqaalaha oo sanad walba soo gudbiya xaaladda dhaqaale ee Puntland, iyadoo warbixin uu halkaasi ka aqriyay Guddoomiye kuxigeenka guddigaasi Xildhibaan Axmed Barre uu sheegay in si sharci daro ah loogu tuntay dhaqaalaha dalka, waxayna guddigaasi dhaliilo u soo jeediyeen xukuumadda Puntland.
Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha ee Baarlamaanka Cabdirashiid Maxed Xirsi ayaa ku dhawaaqay in ay iska casileen guddiga dhaqaalaha xilalkii iyo howliohii ay u wadeen Baarlamaanka, wuxuuna codsaday in Baarlamaanka uu u magacaabo howshaasi guddi kale maadaama buu yiri sidii la doono laga yeelo dhaqaalaha dalka u soo xarooda.
Maanta ayaa la filayaa in Baarlamanka uu kulan kale isugu yimaada oo horay loo sii wado doodaha dhaqaalaha dalka iyo qaabka loo maamulo,waxaana arintan ay dhalisay muran iyo khilaaf hor leh iyadoo shalay markii guddigaasi is casileen ay ka maqnaayeen hoolka shirarka Guddoomka Baarlamaanka sida Guddoomiyaha iyo Kuxigeenadiisa.
|
2.ardayda somaliyeed meelkasta oo ay joogto kama qortaan waxma ama qaabka saxaafada maxaa sabab u ah?
wad mahadsantihiin